Somali Ports Authority

+61 0 000 000

August 10, 2026 12:45 PM

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed oo qaabilay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlad-Goboleedyada

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed, Mudane Cabdulqaadi Xaaji Xasan “Gurey Xaaji”, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari. Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cusmaan Jiileey.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay dardargelinta howlaha Wakaaladda, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka wada-shaqeyn ee u dhexeeya Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyada, iyo sidii loo dhisi lahaa hannaan mideysan, hufan oo lagu horumarinayo dekedaha dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah lagu siiyay xoojinta wada shaqeynta hay’adaha ka shaqeeya maamulka iyo horumarinta dekedaha, si loo kordhiyo waxtarka dekedaha Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha dalka. Kulanku wuxuu ku soo dhamaaday jawi is faham waxaana lagu ballamay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah.

“Iskaashi iyo wadajir waa furaha guusha maamulka iyo horumarinta dekedaha Soomaaliya.”

Scroll to Top